Sida ay
sheegtay haayadda caafimaadka adduunka ee WHO waxa ku dhawaad 50 milion oo qof
sanad walba laga helaa cudurka kaas oo yareeya isla mar ahaantaana hoos u dhiga
xasuusta maskaxda ibnu aadamka.
Laakiinse
cilmi baadhistii ugu danbeysey waxa ay sheegtay in isu dheelli tirnaanta
cuntadu ay muhiim u tahay in maskaxda qofku ay caafimaad qabto sidoo kale
xasuusta maskaxdu aanay noqoneyn mid si fudud ku tagta
Waxa la sheegay sanadihii u danbeeyey in kafeyga iyo shuklatadu ay door mihima ka qaataan ka hortaga cudurka asaasaqa ee keena ilawshiinyaha waxaana jira cuntooyin kale oo badan iyo waxyaabo lagaaga baahanyahay in aad sameyso si aad u kordhiso xasuusta maskaxdaada oo aad uga takhalusto illowshiinyaha waxaana ka mid ah:
LIX-DAN QODOB HADDII AAD JOOGTEYSO WAXAN KUU BALLAN QAADAYAA IN AAD ISBEDEL WAYN KA DAREEMI DOONTID HABKA AY MASKAXDAADU WAX U KAYDISO:
1:
KU CELCELINTA WAXA AAD RABTO IN AADAN ILLAAWIN:
ugu horreyn maskaxda ayaa u kala baxda laba qaybood oo kala ah qayb xasuus gaaban iyo qayb xasuus dheer.
Marka aad dhacdo cusub la kulanto isla markaana aanad waxba ka soo qaadin ee aad iska dhaafto hadana iyada oo dhacdadaasi kuu ahayd muhim balse aad wakhti badan kadib isku daydo in aad xasuusato ee aad xasuusan weydo wixiiba taas waxa la yidhaahdaa dhacdadii waxad ku keydisey maskaxda qaybta xasuusta gaaban.
Haddii sidaa aynu soo sheegnay cagsigeeda ay noqoto oo aad dhacdadii muhimadeeda siiso oo aad tusaale ahaan iyadoo ah cashar aad soo dhigatey kaas oo aad ku celceliso waxa loo yaqaana dhacdadii oo lagu keydiyey maskaxda qaybteeda xasuusta dheer .
Intaa waxaan uga dan-leeyahay in aan kuu caddeeyo ku celcelintu in ay macne wayn ugu fadhido isla markaana ay door mihima ka ciyaarto xasuusta maskaxdaada.
2: JADWALKAAGA HURDADA OO AAD
HAGAAJISO:
Hurdadu
waxay ka mid tahay waxyaabaha haddii aad yareysato kugu sababi kara xanuuno
badan sidoo kale haddii aad badsatana kugu keeni kara xanuuno kale
Waxaana wanaagsan in qofku habeenkii ugu badnaan siddeed saacadood 8hrs oo dhamaystiran uu seexdo ugu yaraana lix saacadood 6hrs haddii aad ka badsato amma ka yareysato dhibka ay leedahay ma yara laakiin NIDAAMI JADWALKAAGA inaad jadwalkaaga nidaamiso waxay sababeysaa in aad subixii kacdo goor hore cibaadada ALLE SWT kadibna aad wax akhriskaagii kusoo noqoto oo aad ku celcelintii sameyso taasina waa waxa aynu u soconey ee imaka page-kan aad u furtayba.
Qodobkii qodobkan ka horreeyey waxaynu isla soo qaadaney in aad xilli hore kacdo subixii kicitaankaa waxa waajib kugu ah haddii aad caafimaad joogto ah doonayso in aad jimicsi sameyso subaxdii aroorta hore sababtoo ah marka aad wadnahaaga xiijiso waxa uu tuurayaa pump-gareynayaa dhiig farabadan oo uu siinayo maskaxdaada qaybta ka shaqaysa xifdinta, aragtiyaha, hal-abuurnimada, goaan-qaadashada IWM taasi oo loo yaqaan CEREBRUM marka ay dhiigaa badan heshana way kacaysaa oo si sareysa ayey u shaqeyneysaa kicitaankaa ay kacdey ayaad adiguna ka faaideysaneysaa oo wax ku xifdineysaa.
Dhawr sano ka hor ayaa tijaabo lagu sameeyey dhawr qof oo qabey cudurka ilawshiinyaha amma hilmaamka kadib markii la siiyey vitamin B ayaa lays barbar dhigay sidii ay markii hore ahaayeen iyo sida ay imaka yihiin waxaana lagu arkey isbedel aad u weyn.
5: AVOCADO AMA AFAKAADHADA:
Walow ay afakaadhadu ka mid tahay waxyaabaha lagu naaxo amma lagu cayilo hadana faaido aan yareyn ayey maskaxda uleedahay waxaanay ka mid tahay wax yaabaha soo shaacbaxay ee u fiican maskaxda.
6: KHUDAARTA CAGAARAN:
Xabxabka, tufaaxa, capage-ka, babayga iyo guud ahaan khudrada cagaaran ayaa sidoo kale hoos u dhiga cudurka ilowshiinyaha mana aha halka faaiido ee ay leedahay khudradda cagaarani ee faaiidooyinkeeda haddii aynu galno laga gayoon mayo balse inta mawduuceena ka khuseysa ayeynu ka qaadaneynaa.
DHAMAAD.
FG: halkan kuma aan soo koobin
waxyaabaha maskaxda ufiican oo dhan balse waad sii raadin kartaa intan iyo in
ka badanba inaad baadho ayaan kugula talinayaa.