ODHAAHYADII JOSEPH STALIN KALI TALISKII DILAY IN KA BADAN 40-MILION EE QOF.







Wuxu yidhi:

  •   Waxbarashadu waa hub saamayntiisu ku xidhan tahay cidda gacanta ku haysa iyo cidda loo dan leeyahay
  •   Waxaa ku filan in dadku ogaadaan in doorasho dhacday uun, dadka codkooda dhiibanaya waxba ma goaamiyaan ee dadka codadka tiriya ayaa wax walba goaamiya
  •    Qoraagu waa engineer-ka ruuxda aadamaha 
  •    Ma oogi kartid kacdoon adiga oo sita gacan-gashi xariir ah
  •    Siyaasiga runlowga ahi waa sidii biyo qallalan ama xadiid loox ah
  •  Fikradaha ayaa ka awood badan qoryaha, uma ogolaanayno cadawgeena in ay qoryo haystaan ee maxaan ugu ogolaanay in ay fikrado haystaan
  •  Hogaamiye kastaaba waxa uu ciidankiisa ku baahiyaa inta uu ciidankiisu awoodo in uu gaadho
  •    Awooddan dhabta ahi waxay ka timaaddaa hadba qoriga weyn
  •    Cidna kuma kalsooni xataa naftayda kuma kalsooni
  •  Geesinimadu ma aha in aanad baqdin dareemin ee waa in aad dareenkaas ka adkaato
  •    Haddii aad maqasho qof ayaa dhintay waa dhibaato, se haddii aad    maqasho million ayaa dhintay waa tiro koob uun
  •    Fahan cadowgaaga si aad u fahanto la dagaalan kiisa
  •    Sooyaalku waxa uu xaqiijiyey in aanay jirin ciidan aan la muquunin Karin.

Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post