MAADDII IYO ODHAAHYADII ROBERT MUGABE QAYBTII 1AAD

 



ROBERT MOGABE WAXA UU AHAA NIN HADALO QOSOL IYO XIKMAD ISUGU JIRA KU HADLA INTA BADAN QAAR KAMID AH HADALADIISII WAXAY AHAAYEEN:

  • Dhibaatooyinka africaanka waxaa ka mid ah haddii la yidhaahdo maanta magaaladu waa bandow oo cid soo bixi kartaa ma jirto, qof kastaaba waxa uu u soo baxayaa bal si uu u soo eego in cidi soo baxdey
  • waan necbahay wiilasha aan baabuurta wadan waxa sidaas tidhi gabadh aan xataa baaskiil wadan
  • africa waa meesha qudhee gabadh dhar ka soo amaaneysatey saaxiibadeed ay la kulmeyso wiil qol ka amaanaystey saaxiibkii
  • waxaan ogaaday in africa ay ka wanaagsantahay yurub markii aan yurub ka waayey gidaar aan kaadi isla taagaba
  • haddii aad aragto lamaane african ah oo xaafadda horteeda ku laydhsanaya ha u maleyn jacayl ee korontadii ayaa ka tagtay
  • haddii aad aragta nin xaaskiisa marka uu gaadhiga istaajiyo daaqadda ka furaya ha la yaabin gaadhiga ayaa cusub ama gabadha ayaa cusube
  • haddii la xidho meelaha lagu gado makeupka carruur badan ayaan hooyooyinkood aqoonsadeen
  • aroosku waa meel ay isugu yimaadaan dad badan oo laba ka mid ahi galmo ku fekerayaan halka intooda kalena cunto ka fekerayaan
  • dumarku waxa ay khiyaamaan millatery-ga hubka culus iyo bumbooyinka sita ee sidee ayaad ugu maleysey in adiga oo laptop sita aanay ku khiyaami karin
  • musuqmaasuqu waxa uu ka bilaabmaa marka aad ka qaaddo ilmahaaga lacagta dadka  idin soo booqdaa siiyaan adiga oo ka sasabanaya
  • wiilka aad la sheekeysato marka aad barayso saaxiibadahaa waa sidii adigoo waraabe tusaya dhawr nooc oo kala duwan oo hilib ah 
  • waalidka africanku waa kuwa inta ay ku dilaan ka dibna ku weydiinaya sababta aad la ooyeyso
  • walaashayeey waxa aad tahay 35 jir hadana wiilasha kula soo hadla ayaad ku leedahay xagaad ka soo heshay numberkayga eeddo iska sug calafkaaga
  • marka xidhiidhka khaaska ah ee aad la leedahay qofka aad la sheekeysato ku faafiso baraha bulshada dadku waxay sugayaan inta aad kala hadhaysaan in ka badan inta ay sugayaan soo laabashada nabi ciise cs
  • marka la leeyahay ninkasta oo guul gaadhaba gabadh ayaa ka danbeysa ma aha ta uu la sheekaysto ee waa hooyadii
  • haddii facebook-eyga soo dhigo dubai ayaan joogaa oo in yar ka bacdi aad igu aragto anigoo magalada kula jooga iska aamu labadeenuba dubai ayaynu wada joognaaye
  • africa waa meesha qudha ee wiil san weyni uu gabadh ku odhanayo la,aantaa ma neefsan karo
  • haddii aad fool xun tahay macneheedu ma aha in aad qolkaaga iskusoo xidho, soo warwareeg magaalada waxa laga yaabaa in aad  ka soo muuqato film-ada khaakha ah'e
  • walaashayeey halkii aad xidhiidh kala samayn lahayd nin kirada guriiga kaa bixiya, kan guriga leh qudhiisaba xidhiidh la samee
  • marka aad tahay qof buuran oo sabool ah waa xaalad aad u adag oo is dilka ka xun, waad gaajoonaysaa dadkuna ma aaminayaan inaad gaajoonayso oo buurnaantaada ayaa hodaysa
  • dadka kubadda daawadaa waa qaar layaab leh waxaad maqlaysa mid leh ciyaartoy ayaanuu soo siisaney intaasoo milion oo dollar isaga oo wax uu ku casheeyaba haysan
  • haddii aad aroos walba taagan tahay oo walina aanad helin calafkaagii waxba kama duwanid hall-ka arooska lagu qabanayo
  • mid ka mid ah faaidooyinka laga dheefo saaxiibada aad in badan kala maqnaydeen waa in ay dharkaagii duugga ahaa noqonayaan cusayb illeen hore kuugumay arage
markii aad yareyd waxaad odhan jirtey 'waxa aan noqon doonaa pilot' imikana waxa kaliya ee diyaarad la xidhiidha ee aad sameysaa waa in aad diyaarad saarto mobile-kaaga
  • gabadh waliba waxa ay leedahay laba wiil mid waa ka ay jeceshahay midina waa cashierkeeda ama ATM-keeda ay lacagta ka shubato labadaas ka uu yahay ninkastaana wuu garanayaa
  • gabadha aad u dirto saddex dollar ee hadana isla markiiba kugu soo gasha mise call guurso waa gabadh taqaana dhaqaalaynta lacagta'e
  • africa waa meesha kaliya ee inta aad qalin jabineyso aad bilaa shaqada ahaanayso illaa inta aad ka illaawaysi coure-kii aad baratey.
  • masaaricadu waa meel ay joogaan niman u dagaalamaya suun iyaga oo aan sidanin surwaal
  • haddii aad damacdo in aan gabadh kaa dheer dhunkato waa sidii adiga oo doonaya inaad tuushka biyo ka cabaya

Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post