Wuxu yidhi:
- waligey waxaan ahaanayaa xaraabayste sidaas ayaanan kaga sarreeyaa siyaasi kastaba
- majiraan adduunkan wax joogto ahi xataa mushkiladeheena ku dhohoo
- noloshayda waxaan la soo kulmay dhibaatooyin aan yareyn balse dibnahaygu ma oga oo way iska dhoolla cadeeyaan uun
- qofba qofka uuka qalbiga wanaagsan yahay wuuka dhibaatood badanyahay
- inaad saaxiibkaa baahidiisa ka taageertaa waa dhayal, balse in aad waqtigaaga qaaliga ah siisaa waa arrin waayihiisa leh
- noloshayduba waxa ay u jirtaa dadka kale dartood, waxna kama bedeli karo
- xiligu waa buuga ugu mudan oo aalaaba isaga ayaa qora gabagabooyinka muhimka ah
- masraxa waan necbahay, muuqa dhiigana waan necbahay balse curuuqahayga ayey raacayaan
- gaajadu damiir malaha
- noloshu way fool-xuntahay haddii aad dhex gashoo aad u fiir-fiirsato, wayna qurux badan tahay haddii aad debeda iska taagto oo aad meel fog ka eegto
- muraayadeydu waa saaxibadeyda ugu wanaagsan, waayo marqudha may qoslin aniga oo ooyaya
- inbadan ayeynu fekernaa inyar ayeynu se dareemnaa
- haka biqin odhaahda ay dadka kale kaa sheegayaan, waa iyaga aragtidooda ee ma aha adiga waaqacaaga´e
- haku fogaan amaanidda niyad u dhiska ah si aanad munaafaq u noqon, hana ku dheeraan run qayixidda aan lala gabban si aan laguu wada nicin oo aanad dayro u noqon
- fikraddu waxay timaadda marka uu rabitaan xoogani yimaaddoqalbigaagu waa waxa ugu qaalisan ee aad haysato ee si wanaagsan u daryeel
- geesi noqo oo nolosha la ficiltan
- xilliga wanaagsan ee qofka soo mara ma illaawo xata haddii uu gaabnaa
- si aad u noolaato waa in aad ka gun gaadhaa hindisaha is mooganeysiinta
- kali takisyadu nafohooda ayey xoreeyaan, se dadka kale ayey addoonsadaan
- mar haddii adigu aanad cidna waxyeelayneyn cid waliba waxa ay doonto hakaa sheegto`e adigu jidkaaga sidaadii usii raac
- ha garaacin albaab maalin maalmaha ka mid ah lagaa xidhay, ee raadi albaab inta aanad soo gaadhin ku sii dareemaya
- si aad uga bogato qosolka iyo farxadda waa in aad barataa sidii aad ula dhaqmi lahayd dhibaatooyinkaaga gaarka ah ee ula dheeli lahayd
- waa lama huraan in aad qof uun ka farxisa, balse waxaa ka horeysa in aad naftaada kusii horreyso.
- fashilku dhib malaha oo gee sinimada waxaa ka mid ah in aad naftaada gaadhsiiso heer ay dadku kugu qoslaan
- waxaa gaajo u dhinta mid sabool ah, markaas ayey sabooladii kale xanaaqaan oo gadoodaan kacdoonkaas ay dhaqaalaha ku burburiyeenna waxa uu sababaa dhimashada saboolada intii ka soo hadhey
- ninka aan ogeyn karaanka uu Ilaahey siiyey, waxa uu ugaadh sahlan u noqdaa gabadh taqaana meelaha uu ka jilicsan yahay
- maalinka aanad qoslin laga yaabaa in dhibaabahaygu ay qofkale qosolkiisa noqdaan, balse waa in aanay shakhsiyaddeydu qof kale dhibaatadiisa noqonin
- noloshu way qurxoonaanaysaa haddii ay dadku ku nabad geliyaan oo aanay kusoo faro gashan
- arrinka waxa lagu siiyeyba ka sita, waxa lagaa qaadana kaaga soo hadhaa waa dhoolla-cadeynta
- waxaad dhaadeysaa in ay noloshu macaan tahay haddii ay dhoolla caddeynta joogtayso
- noloshu way wacantahay ee waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa geesinimo, hididiilo iyo xoogaa hanti ah
- waxna nolosghaada ha siinin dhibaatoodka iyo nolosha adagba waxaa sababa in aynu nafteenna wax siino oo is raacsiinn`e ku tacaluqa arrinna waa dhimashada badhkeed.
- waxa kaliya ee aan tabo marka aan film sameynayaa waa beer, askari iyo inan qurux badan.