VLADIMIR VLADIMIROVITCH PUTIN waxa uu dhashey 7-oct-1952
waxaana uu ku dhashey magaalada Lenin
grad oo hadda loo yaqaano saint petersburg waxa uuna ka dhashey qoys noloshoodu ay dhexdhexaad tahay waxaana ay kiraysan
jireen dabaqyada ay qoysasku kiraystaan ee caanka ah magaca hooyadii waxa la
odhan jirey maria ivanovna shelomova
awoowgiina waxa uu ahaa kariyaha gaarka ah ee cuntada joseph stalin.
Vladimir putin xogaha laga hayo iyo taariikh nololeedkiisu
toona ma badna xiligii yaraantiisii illaa uu ka gaadhey class-ka ama fasal-ka
lixaadna muu xiiseyn wax barashada balse macalimadiisii viraa-goravitch ayaa dhiiri-galisey oo waalidkii u sheegtay in ay
ku guulaan wiilkooda waxbarashada waxana uu ka baxay jaamacadda lenin-grand 1975kii waxana uu ka baxay
kulliyadda xuquuqda aadamaha doorkiisii
ahaa askarinimada qarankana waa uu gutey sidoo kale waxa uu phd-diisii ku
diyaariyey aqoonta dhaqaalaha waxa uu sidoo kale yaqaanaa labada af ee
English-ka iyo Germany-ga oo afkiisa rush-ka usoo raaca diin ahaanna waxa uu ka
dhashey qoys cristan ah oo roman-ortodox ah waxaana uu bartey ciyaaraha
difaacista nafta qaybo kamid ah.
Markii uu 18 jir ahaa waxa uu qaatey suunka madow heerkiisa
9-aad, xaaskiisu waxa ay ahayd lyudmila aleksandrovna ocheretnaya waxa uu guursadey 1983-kii
waxaana ay kala tageen 2013-kii oo ay muuqbaahiyaha qaranka ka baahiyeen kala
tagooda waxaana ay isu dhaleen laba hablood oo kala ah maria oo dhalatey
1985kii iyo catrina oo dhalatey 1986-kii sababaha kala tagooda iyo arimaha
qoyskiisa in ay warbaahintu fara-gashato xataa kama yeelo.
Xilalka uu soo qabtey waxa ka mid ah in uu ka hawl galayey
sanadihii u dhexeeyey 1985-kii 1990-kii deegaankii Germany-ga bari isaga oo ka
ahaa sirdoonka rush-ka ka tirsan sanadkii 1990-kiina waxa uu noqdey gacanta midig
ee madaxweynaha jaamacadda lenin-grad waxaanuu u qaabilsanaa arimaha debedda
kadibna waxa uu noqdey lataliyaha madaxweynaha golaha magaalada lenin-grad isla
xiliyadaasna waxa uu qabtey xilka wakiilka 1-aad ee madaxweynaha golaha
magaaladaas lenin-grad illaa laga
gaadhey sanadkii 1994-kii.
Sanadkii 1996-kiina waxa uu wakiil ka noqdey golaha maamulka
rush-ka march-1997 waxa uu noqdey wakiilka madaxweynaha rush-ka may-1998 kor ayuu u yar dallacey oo waxa uu
noqdey wakiilka 1-aad ee diiwaanka madaxweynaha rush-ka isla sanadkaa bishiisii
july waxa uu noqdey maamulaha golaha ammaanka ee federal-ka Russia isla
markaana waxa uu qabtey xilka xoghayaha guud ee golaha ammaanka ee midowgii
Russia madaxweynihii xilligaasina waxa uu ud oortey raysal-wasaarihiisa sanadkii
2000 ayuu noqdey madaxweynihii midowga rush-ka ka dib markii uu xilka iska
casiley madaxweynihii xilkaas hayey ee boris yeltsin1-jan-2000.
Sanadkii 2004-tii mar kale ayaa la doortey putin markii
xilkaasi ka dhamaadeyna mabuu awoodin in uu markale xilka dalkaas isusoo taago
oo dastuurka Ayaan ogoleyn.
Sanadkii 2008 waxa doorashada madaxtinimada dalka Russia ku
guuleystey ardeygii uu siyaasadda barey putin ee Dimitry madvidev isaga ayaana Vladimir putin ka dhigay raysal
wasaarihiisa sidaas ayuuna kusii hantey xil sare oo uu dalkaas ka qabto.
Sanadkii 2012-kiina waxa uu putin mar 3-aad isusoo taagey
madaxtiniada dalkaas waanuu ku guuleytey illa iyo imakana isaga ayuunbaa ka
madaxweyne ah dalka Russia xilkanina waxa uu kaga eeg yahay sanadka 2024-ka.
Isla markii uu xilka qabtey waxa uu si mug leh gacan bir ah
wax ugaga qabtey danbiyo ka dhan ah hab ganacsiyeedka wax looga gado rayidka
Russia oo ay kula kacayeen dad xilal sar-sare hayaa waxa uu sidoo kale sii
wadey oo sii xoojiyey dagaalkii uu rushku kula jirey ismaamulka muslimka ah ee
shiishaan ama jorgenia.
Markii uu qabsadey xilkana waxa uu mamnuucay in caruurta
rush-ka ay korsan karaan qoysas mareekan ahi waxaana uu mamnuucay in
wacleyaasha iyo isku jinsiga is qabaa ay korsadaan carruur aanay dhalin.
Waxaanuu dib u qabsadey deegaanka jaziirad u eekaha ah ee qiram
amma kiraimiam oo ay eukrine uga tanaasuleen rush-ku sanadkii 1954-kii putin
waxa uu qabtey xilka rush-ka iyada oo dalka kalsoonidii lagu qabey ay soo
gilgilanayso waxaana uu noqdey sirdoon hantey madaxtinimada dal u weun sida
Russia hiigsigii laga lahaa toban laabkiina dalkiisa uga dhabeeyey waxaana lagu
naaneysaa siyaasiga dahsoon iyo qaysarka
cusub ee dalka Russia.
waana xorriyad u ololeeyey indho kali
talis leh waayihii la soo dhaafeyna shuuci hanti wadaaga ayuu ahaa
siyaasinimadiisa awgeedna waxa lagu naaneysaa dawaca Russia waxa uu u
gucleynayaa sidii uu rushku mar labaad u yeelan laha hanaankii uu waayo lahaa
una soo weecin lahaa boqortooyadii talada
adduunku ka go’i jirtey.
Marar badan waxa uu naftiisa galiyey khataro uu kaga ag
dhawaanayo xayawaan ugaadhsade ah marna waxa uu kexeeyey gaadhiga tartanka lagu
galo ee formula-1 waxaanuu ku kexeeyey xawaarihiisii ugu danbeeyey oo 240km/hr
ah markii ay warbaahintu weydiisey sababta uu waxaas oo hallis ah u galinayo
naftiisana waxa uu ku jawaabey oo uu warkaba kusoo koobey :”nolosha ayaaba
halis ka sameysan’’.
Badiba adduunweynaha iyo dadyowga gorfeeya siyaasadda
caalamku way ku muransan yihiin shaqsiyadda ninkan putin ah balse waxaa loo
wada qirsan yahay in uu yahay nin marka loo eego ka madaxweyne Russia ahaan oo
reer galbeed la col ah in uu gutey waajibaadkiisii iyo wax dheerba dhinac waa
madaxweyne midowgii soviet-ka kaalintiisii haya dhinacna waa ciyaartoy
feedhtanka krateyga ku xeel-dheer oo aan loogu babbac dhigi kareynin.
Waxa putin laga sameeyey taxane dhacdooyina oo loogu magic-darey super-putin ama putinka halyeeyga ah isaga ayeyna taageero yaashiisu ku weyneynayaan qaybo cristan-ka Russia ka mid ahina waxa ay ka aaminsan yihiin in ruuxdii rasuulka cristan-ka ee bols ay la jaartahay isaga maadaama ay arrimihiisu sir u badanyihiinna illaa imaka si sax ah looma sheegi karo inta ay hantidiisu leegtahay ilaha soo tabinayaana aad ayey taggan yihiin oo xusitaan ma mudna.
HADALADA MURTIDA LEH
EE LAGA HAYO VLADIMIR PUTIN WAXAA KA MID AH:
- Anigu ma ihi gabadh sidaa awgeed ima soo maraan maalmo xumi
- in dadka lagu dhiiri galiyo in ay dadyowga kale wax dheeryihiin waa fal qaldan wixii doonaaba ha sababaane
- qofka aan ka murugoon bur-burkii midowgii soviet-ku qalbi ma laha, qofka u xiiso qaba soo laabashada midowgii soviet-kuna caqli ma laha
- markasta oo aan dadka aad u barto waxaan sii jeclaadaa eyda runtii eydana aad Ayaan ujeclahay
- waxaan ahay ninka ugu hantiileysan adduunka oo waxaan uruuriyaa dareemada iyo mashaacirta
- waa hubaal in aanay wax waliba hagaagayn hadana waa in aynu tijaabinaa in aynu wax walba hagaajino
- haddii aynu maagno in aynu cid gaadhno waa hubaal in aynu gaadheyno
- ma haboona in uu qofku riyooyinkiisa ku xidho mucjisooyin in ay dhacaan kuwa la dagaalamaya fasahaadka laftoodu waa in ay nafohooda daahiriyaan
- Wax qabadka dawladdu ma aha kaliya in ay koob ku shubto malabka ee mararka qaar waxa ay ku qasban tahay in ay dacar dadka siiso
- Mararka qaar waa in aad kaligaa ahaataa si aad u ogaato in aad jidkii saxda ahaa hayso