Wuxu yidhi sheikhu:
- Noloshaada maalinteeda waxa aad qabaneyso waa in aad is weydiisaa ma manfac adduun buu kuu leeyahay mise manfac aakhiro, hadaad waxa labadaa ka dhex arki weydo waa wixii lagu yidhi ka tage ka tag.
- maantoo dhan haddii aad ka warranto laba gaalo oo meel isku dilay adiga waxba kuu tari maayaan.
- qofka muslimka ah ee dhabta ahi isla weyni iyo anaa caqli badan iyo anaa karti badan ma rumeysna, qofka muslimka ahi wuxu rumeysan yahay in uu mar walba ALLE SWT u baahan yahay.
- dad badanoo maanta soomaaliyeed oo iska fadhfadhiya waxay la fadhiyaan waxa weeye wax ay qabtaanba way garan waayeen, jahligaa fadhiisiyey.
- war adduunka wax aan Alle rabini kama dhacaan.
- dadka kuwa ugu hantida badan ayaa ugu hurdo yar.
- jaamacad baan ka baxay, shahaadaan qaatey, shaqo fiican baan helay, war waad ka tagaysaaye waxaas oo dhami waa maalmo maalin ama maalin badhkeed ayey nolosha oo dhami noqon marka qiyaamaha lagu weydiiyo, oo nolosha ma maalin badhkeed baad dooratey markaa.
- aqoonyahanku haddii uu noqdo qof la iibsan karo, suldanadu iibsan karto, dawladuhuna laaluushi karaan, kaasi aqoonyahan ma aha.
- nin waliba inta qabiilkiisa la dulmiyey ayuu ogyahay ee ma oga inta ay dulmiyeen aakhiro u direen.
- meesha qiimaha leh ee ubaahan in loo shaqaysto waa aakhiro.
- goal baa la dhaliyey maxay nolosha kusoo kordhisey.
- dhalasho wanaagsan marka aan leenahay macneheedu waa sanad baan xabaasha u dhawaadey taasi ma wax lagu farxaa.
- in hooyo la noqdaa waxay ka qurux badan tahay inaad noqoto injineerad.
- inaad noqoto qof hammi leh, han leh, hiigsi leh oo hiraal u muuqdo waa lagama maarmaan.
- luqadda soomaaliyeed waa af muslim waa af diin iyo dadnimo ba xanbaarsan.
- Qur'aan haddii aad akhrido qof rabigii u warramaya ayaad tahay, bal qiyaas rabigaa oo kula hadlaya oo kuu warramaya.
- ilmaha in aad guri uga tagto waxaa uga qiimo badan diin inaad uga tagto, in aad dhaqaale u sameyso waxa ka qiimo badan in aad isaga qof ka dhigto jira oo nool oo muslim ah, haddii uu qof muslim ah noqdo oo naftiisa ku kalsoon meel uu seexdo iyo wax uu cuno isaga ayaa raadsanaya.
- islaamnimada wax mucaarid la yidhaahdaa kuma jirto, islaamnimada waxa ku jira xaq iyo baadil, wixii xaq ah in aad taageertaa waa waajib wixii baadil ahna in aad ka soo hor jeesataa waa waajib.
- dadbaa dibadda ka qurux badan, guriga marka ay soo galaanna bahal ah, qofka aad nolosha isku isku darsateen iyo carruurta aad dhashey in aad ku xumaato debedana nin fiican lagaaga yaqaano oo hebel layidhaahdo wax fiican ma aha.
- hadday jidhka sare maradu asturto, cawrada hoosana akhlaaqdaa asturta, qofku hadduu akhlaaq leeyahayna wuu asturanyahay hadday akhlaaqdu kugu yartahayna cawradaada muuqata.
- hargeysaad joogtaa bal suuqa hargeysa is dhex taaga raggii dhisey meeye waa daartii xaaji hebel iyo waa tii ilma hebel uunbaa maqlaysaan, meeye xaajiyadii, xaajiayadii ka tage, hargeysadaa aad maanta dhex joogtaan raggii lahaa cidi kama noola, xagey joogaan? waakuweynu meelahan ku marno xataa magac ma leh hadda, xabaalaha ka baneeya beynu nidhaahnaa, waa asxaabul qubuurkii.
- Nin ku markuu xaragoonayo xataa ka gaalka ah markuu xaragoonayo jidhkoo dhanbuu asturaa, ninku waa in uu suudh xidhaa, koodh xidhaa, tay xidhaa, meel muuqataaba ma jirto intan yar ee wajiga mooyaane, gabadhu laakiin marka ay xaragoonayso maxaa lagu sameeyaa? nin iyo gabadh gaaloo xaragoonaya labadaba arag, gabadhu maro gaaban oo halkan joogta ama mid goonno ah oo tafta ka dillaacsan oo halkan joogta ama mid naasaha ka dillaacsan, iyadu ma asturna, ninku se wuu wada asturan yahay waa cagsigii labada raggaa cawro yar ee waxay ahayd in dumarku maxay asturnaadaan diimohoo dhamina dumarka way asturaan mana jirto diin dumarka qaawisey xitaa diimihii samaawiga ahaa ee layaqaanay, muqriyaadku hadda way sii tiro bateen gabadhu waxay noqotay wax lacag lagu raadiyo, wax la iibiyo.
Tags:
MOTIVATIONS