HADALLO NOLOSHAADA BADALI DOONA q3aad.



  • si kastaba aad u mashquulsanaatide waa in aad waqti u heshaa wax akhriska ama waa in aad naftaada u dhiibtaa jaahilnimo aad dooratey adigu
  • haddii aad dareento in ay wax kastaa kaa lumayaan xasuuso in geedaha sanad kasta caleentoodu ka lunto, hadana ay sare u taagnaadaan oo sugaan inta ay maalmo kale oo qurxooni soo marayaan 
  • saddex sharci oo fudud oo noloshu leedahay: haddii anad daba socon waxa aad rabto waligaa heli meysid, haddii aanad wax weydiin jawaabtu mar walba waxa ay ahaan doontaa maya, haddii aanad talaabo hore u qaadin waxa aad joogi doontaa meel isku mid ah
  • naxariistu waa luqadda uu dhagoolku wax ku maqlo indhooluhuna wax ku arko
  • qoysku waa sida laamaha geedka oo kale jihooyin kala duwan ayeynu u kornaa balse hadana jirridda iskaga mid ayeynu ka nahay.
  • in aad la muranto dadka doqomaha ahi waxay la mid tahay in aad kaneeco ku disho dhabankaa oo kale waa laga yaabaa in aad disho ama aanad dilin balse waxaa hubaal ah in aad ugu danbeyn naftaada dhirbaaxayso
  • carabku ma laha lafo balse waxa uu aad ugu filan yahay in uu jabiyo qalbi, sidaa daraadeed ka taxadar ereyadaada
  • in aad qof wanaagsan khiyaantaa waxay la mid tahay sidii aad dheeman tuurtay oo aad dhagax qaadatey
  • haddii aad raadineyso saaxiib aan cillad lahayn waxaad noqon doontaa bilaa saaxiib
  • masaafada u dhaxaysa riyooyinkaaga iyo xaqiiqadooda waxa la yidhaahdaa ficil.
  • labada dagaal yahan ee ugu awoodda badani waa samirka iyo waqtiga
  • haddii aad wax yar i aragto wax badan baan qabanayaa
  • waligaa furaha farxadaada ha galinin qof kale jeebkiisa
  • dadka qaar waxa ay ku fiican yihiin dugsiga, dadka qaarna waxa ay ku fiican yihiin nolosha
  • in aan dfadka qaar ka jaro nolosheyda macneheedu ma aha in aan iyaga necebahay macneheedu waa in aan qadarinayo nafteyda.
  • shimbirta dul fadhida geedku marnaba kama baqanayso in ay laantu jabto sababtoo ah iskumay aaminin laanta ee waxa ay ku kalsoontahay baalasheeda markastaba aamin naftaada
  • ereyadu waa sida fureyaasha oo kale, haddii aad si sax ah u doorato waxay furi karaan qalbi kasta waxaanay amusiin karaan af kasta
  • farxaddu ma aha in aad hesho dhammaan waxa aad rabto, waa in aad ku raaxeysato inta aad haysato
  • qof kastaa oo aad la kulantaa wuxu ku jiraa dagaal aanad waxba ka ogeyn, had iyo jeer noqo qof naxariis badan.
  • inaad kuftaa waa shil, balse in aad sii fadhidaa waa doorasho
  • indhuhu waa bilaa faaiido marka ay maskaxdu indho la,dahay
  • nolosha hortaada taallaa waxay aad uga muhiim san tahay  noloshii aad soo dhaaftay
  • maantu waa barridii aad ka hadleysey shaley
  • dib uma noqon kartid si aad u soo bedesho bilawgii balse waxa aad ka bilaabi kartaa halka aad joogto imaka. waxaanad badali kartaa dhamaadka
DHAMAAD

Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post