- waxaad wax badan ka barataa guuldarrada waliba in ka badan inta aad ka barato guusha, ha u ogolaan in guuldarradu ku joojiso, guuldarradu waxay dhistaa dabeecadaada
- guushu kuu iman mayso oo ku soo raadsan mayo, waa inaad baxdaa oo raadsataa adigu
- maanta qabo wax naftaadu mustaqbalka kaaga mahadniqi doonto
- dajiso hadafyo waaweyn illaa aad halkaa gaadheysid
- waligaa guuleysan meysid haddii aanad waligaa bilaabin.
- Markasta samee waxa ugu fiican ee aad sameyn karto, waxa aad hadda beerato uun baad hadhowna goosaneysa
- badda waligaa ka gudbi meysid haddii intaad biyaha horta istaagto aad ku dheygagto
- haddii aanad jecleyn sida ay wax yihiin beddel illeen geed ma tihide
- wax is bedelayaa ma jiraan haddii aanad adigu is bedelin
- maantu waa fursadda aad ku dhisi lahayd barrida aad rabto.
- haddii aad ku guul darreysato in aad wax qorsheyso waxad qorsheyneysaa in aad guul darreysato
- waaligaa ha quusan badanaa bilowgaa ugu adag
- noloshu waligeed ku siin mayso waxa aad jeceshahay ee waxa ay ku siineysaa waxa aad shaqeysato ee aad u qalanto
- noloshu xaddidaado ma leh nmarka laga reebo kuwa aad adigu sameysato
- habka ugu fiican ee aad ku bilaabi kartaa waa in aad joojiso hadalka oo aad ficilka bilawdo.
- waxa ugu fiican ee aad noloshaada u sameyn kartaa waa in aad naftaada aaminto
- haka fekerin in aad lacag badan dhigato, balse ka feker in aad lacag badan sameyso
- waligaa qofna ha u sheegin in qorshahaaga taa badalkeeda tus natiijooyinkaaga
- naftaada asxaan u samee oo dadka qaarkood noloshaada ka saar
- waxaad heshaa waxa aad shaqaysato uun maaha waxa aad rajeyso.
- ma jiraan siro ay guushu leedahay waa natiijo ka dhalatey diyaar garow, shaqo adag iyo guuldarrooyinkaaga oo aad wax ka barato
- haddii ay ku yidhaahdaan suurto gal ma aha iyaga ayaanay suurto gal u ahayn balse adiga ma aha
- adiga oo kaliya ayaa badali kara noloshaada qof kale oo kuu badali karaa ma jiro
- maalin kasta oo cusubi waa fursad kale oo aad ku horumarin karto noloshaada
- guushu waa isu gaynta dadaalada yar yar oo aad maalin walba ku celceliso.
Tags:
MOTIVATIONS