Sida aynu wada ogsoonahayba caafimaadka binu aadamka ayaa ah hantida ugu weyn ee aynu haysano waddamada adduunka ayaa iyaguna miisaaniyada balaadhan ku bixiya sidii loo heli lahaa bulsho caafimaad qabta, sigaar cabista ayaa ka mid ah waxyaabaha ugu badan ee saameeya sababana xanuunada ugu badan ee ku dhaca insaanka dunida waxaana lala xidhiidhiyaa in uu sababo xanuuno aad u tiro badan kuwaas oo qaarkood ay adagtahay in la daaweeyo, sidoo kale sigaarku waxa dhib u gaysan karaa dadka lagu ag cabbo.
Sigaarku waxa uu ka kooban yahay 4000 oo kiimiko, waxaana ka mid ah carcinogens, nicotine, carbon-monoxide,tubaco iyo waxyaabo kale oo laga sameeyo daamurka kuwaasi oo dhamaantood sababa xanuunada ku dhaca jidhka gudihiisa iyo dibaddiisaba.
Xanuunada uu keeno sigaarku ayaa soo baxa marka la cabo sanado ka dib, sigaarku caafimaad ahaan sinaba uma wanaagsana dhinacna kuma fiicna. maadaama oo waxyeeladiisu badatey oo aanu wax waxtara nolosha ulahaynna bahda caafimaadka ayaa aad u dhiirigalisa sidii loo joojin lahaa cabista sigaarka.
Sababta 1aad ee kansarku ugu dhoco sanbabada ayaa ah sigaarka guud ahaana waxa uu sigaarku ka qayb qaataa oo number 1 ka yahay kansarro tiro badan oo ku dhaca xubnaha jidhka sida: sanbabada, kalliyaha, ganaca, caloosha, ugxan sidaha dumarka iyo caloosha. wuxuu khalkhal galin karaa qanjidho soo daayo hormoonka insulin kaas oo mid sax ah ka dhiga xaddiga sonkor ah ee ku jirta dhiiga macnaha haddii xadiga sonkorta ee jidhku badato wuu yareeyo oo intii loo baahnaa ayuu ka dhigaa inta soo hadhey kayd ayuu ka dhigtaa markaa haddii kaasi ku waxyeeloobo waxaad qarka u saarantahay xanuunka Macaanka.
Sigaarku waxa uu fara galin ku sameeyaa habka ay u shaqeeyaan xididada yaryari taasi oo sababta in uu siyaado cadaadiska dhiigu uu qofkana ku dhoco xanuunka Dhiig-karku. sigaarku waxa uu sababi karaa in ay yaraato dhumucda xididada dhiiga u qaada maskaxda taasoo sababta xanuunka faaligga.
Waxa kale oo halis ugu jira cabista sigaarka dumarka waliba xiliga ay uurka leeyihiin waxaana uu saamayn toos ah ku yeelanayaa ilmaha ku jira uurka isagoo ku dhalanaya ilmuhu xanuuno badan oo ay adagtahay in laga daaweeyo. walow ay yeelan karaan sababo kale dumarka uu ku dhoco kansarka ku dhaca afka hore ee ilmo galeenka ayaa la ogaaday badanaa in ay cabbaan sigaarka.
Sigaarku waxa uu keeni karaa in kansar ku dhoco xiniinyaha ragga waxaana uu yareeyaa soo saaridda shahwada raga. dadka caba sigaarka ayaa ay lafohoodu yihiin kuwo ugu jilicsan isla markaana aad moodayso in ay jabayaanba. inta ugu badana kala goysyada oo xanuuna ayaa lagu arkaa dadka caba sigaarka sidoo kale waxay qarka u saaran yihiin in uu kala goysyada caabuq kaga dhoco.
DHIBAATOOYINKA SOO GAADHA DADKA LAGU AG CABO SIGAARKA:
Dadka ka ag dhow qofka sigaarka cabaya ayaa iyaguna lakulma dhibaatooyin caafimaad oo kala ah mid jidheed iyo mid maskexeedba. waxaanuu saameyn ku yeelan karaa qof walba oo ka ag dhow waxaana ugu nugul carruurta yaryar iyo dumarka hooyooyinka ah. sigaarku waxa uu yareeyaa muuqaalka maqaarka/jidhka qofka sababtoo ah wuxu yareeyaa ogsijiinta jidhka wuxuuna badiyaa kiimikaalo ku milma dhiiga qofka arrinkanina waxa uu keeni karaa muuqaalka qofka oo xumaada.
Qofka sigaarka caba ayey neeftiisu tahay mid la dhibsado waxaana ay saamayn ku yeelataa niyadda qofka iyo waxa uu dareemayo iyada oo la takoorayo qofkan cabaya sigaarka.
TALO WALAAL:
In aad ogaato in sigaarku yahay dile waxa kuugu filan in shirkadihii soo sameeyey ay ku soo qoreen odhaahyadan: "Cigarette Smoking May Be Hazardous to Your Health, Cigarette couses mouth diseases, smoking couses lung cancer" iyo kuwo kale oo badan mana jirto hal mid oo amaanaysa dhamaantoodna waxa ay inooga digayaan dhibkiisa haddii aanad jaajin karin iska ilaali in aad ku cabto meelaha lagu badan yahay ee ay joogaan carruurta iyo dumarku.
FG: CAAFIMAADKU WAA LAMA HURAANE GACANTAADA HA ISKAGA LUMIN.