Wuxu yidhi:
- Africa waa meesha qudha ee sida aad shaqo u raadineyso ay shaqo raadintu noqoneyso shaqadaada
- gabadha tidhaahda waan jeclahay wiilasha gadhka leh waxaan leeyahay `awwey horta suuniyahaagii`
- qof dhiirri galiye ah haddii aad weydiiso sidee ayaan ku guuleystaa wuxu ku odhanayaa marka hore adigu is hel, oo walaal tolow halkee ayaan ku dhuumanayey
- markay africanku lacag yeeshaan waxay caafimaad u aadaan jarmalka waxay u dalxiis tagaan canada, waxay lacagtooda dhigtaan Switzerland marka ay dhintaanna waxa ay doonayaan in lagu aaso dhulkoodii hooyo markaa africa ma qubuuraa
- africa marka aad joogto uma baahnid alarm ama in ay saacaddu ku toosiso, mushkiladahaaga ayaaba ku toosinaya
- africa habeen kasta haddii gurigaaga tuug usoo dhoco lama ogaanayo balse haddii aad hal habeen gabadh la timaaddo jaarka oo dhan ayaa ku ogaanaya
- walaalkayoow ha guursan gabadh carruur wadata lama arag ciyaar goal iyo eber ku bilaabata´e
- africa waa meesha kaliya ee inta aad qalinjabiso aad bilaa shaqo ahaanayso illaa inta aad ka illaaweyso course-kii aad barateyba
- gabadhyahay wiilka aad la sheekeysaneysaa waxa uu sitaa mobile huawei ah, charger samsung ah iyo earphone nokia ah markaasaad u maleyneysaa in aanuu ku khiyaameyn
- waxaan ku nacay aflaamta ay jilaan africanku waxay ku soo qorayaan shaashadda 35 sano ayaa kasoo wareegtay hadana eyga ku xidhan banaanku intii ayuu leegyahay oo halkii ayuu ku xidhan yahay
- mar la weydiiyey goorma ayaad shacabka simbabwe macasalaamaynaysaa iyadoo looga jeedo goorma ayaad xilka ka dagaysaa ayuu ku jawaabey oo xagey aadayaan shacabkaygu.
- kalkaalisooyinku 20 minute ayey ku helayaan xididka ay kaa mudayaan halka kaneecadu 6 ilbidhiqsi ku heleyso xididkaaga waliba iyada oo heeseysa
- aynu nafta baangaha ka deyno jacayl bilaa lacag ahi ma shaqaynayo´e
- dadku sida ay u doonayaan in ay ogaadaan qofka xidhiidhku idinka dhexeeyo waxaaba aad mooddaa in ay qarashka arooskiina bixinayaan
- waligaa arki meysid labo mataano ah oo isugu yeedhaya mataankaygoow balse ereygaa waxaad ka maqlaysaa uun laba qof oo saaxiibtinimo dhex taallo.
DHAMMAAD.