SABABTA KEENTA IN TIMAHAAGU DAATAAN, IYO SIDA LOOGA HORTAGO.

Kadib codsiyo badan oo la ii soo qorey waxa aan qormo gaaban kaga faalloon doonaa aniga oon dheereyneyn maqaalkeena maanta SABABTA KEENTA IN TIMAHAAGU DAATAAN, IYO SIDA LOOGA HORTAGO.



Hadaba waxaa jira siddeed (8) sababood oo ay timuhu u daataan kuwaas oo badanaa masuul ka ah dhibta soo gaadha timaha waxaana ka mid ah:

  • Falaadhaha cadceeda ee loo yaqaan Ultra Violet Rays oo aad caado ka dhigato in aad socoto adoo madax qaawan.
  • Daawooyinka timaha midabka lagaga bedelo oo marka aad marsato jidhkaagu diidayo kadibna ay timahaagu go'ayaan.
  • Nafaqada jidhkaaga oo aad u yar iyo adigoon cunin cunto nafaqo leh waxay sababaysaa in timuhu kaa daataan.
  • Dumarku marka ay umulaan waxa isbedela hormonekooda taasina waxay sababtaa timaha oo daata.
  • Qofka daawooyinka qaata daawooyinka qaarkood ayaa cariya cayayaan madaxa ibnu aadamka ku nool kuwaas oo cuna qoyaanka uu soo saaro madaxa qofku ee loogu tala galay in timuhu ku baxaan kadib  marka ay qoyaankaas waayaan timuhu way go'ayaan.
  • Hurdo la,aanta, welwelka, fekerka saaidka ah iyo walbahaarka.
  • Dhiig la,aanta khaasatan dhiiga cas oo yaraada.
  • Hormoneka qaabilsan la shaqaynta timaha oo dhib soo gaadho.
Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusnay ayaa badanaa keena in timahaagu go'aan waliba si fudud walow aynu inagu soomaali ahaan aynaan daryeel sidaa u badan siinin cuntada aynu cunaana ay iska tahay mid aan dayactirneyn oo nafaqo timo aanay badana kuba jirin hadana waxa aan kugula talin lahaa in aad siddeedaa qodob iska eegto haddii aad isku aragtey timo daadasho.

Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post