Robert Gabriel Mogabe waxa uu ku dhashey tuulada KUTAMA ee galbeedka dalka simbabwe 21-feb-1924-kii xiligaasina waxa ay ahayd in yar kadib markii deegaankaas rhodesia oo ahaa magicii hore ee dalka simbabwe uu noqday mustacmarad iyo gumaysiuu ingriisku haysto dadkiisina ay la kulmeen cadaadiska laga saaray dhanka wax barashada iyo dhanka shaqooyinkaba aabihii waxa uu ahaa najaar hooyadiina waxa ay ahayd macalimad aasaaska hoose ee diinka cristanka dadka barta.
khilaaf dhex marey aabihii gabriel iyo mid kamid ah baadariyadii kiniisadda ayaa sababey in qoyskooda laga caydhiyo tuuladii ay ku dhaqnaayeen sanadkii 1930-kii muddo ka dibna inta uu aabohood qoyskoodan oo ka koobnaa lix carruur ah iyo hooyadood ka tegey si uu shaqo u raadsado ayuuba gabadh kale xidhiidh la sameeyey oo ay saddex carruur ah u dhashey 1944-kii ayuuna aabohood dib ugu soo laabtay qoyskooda isagoo saddexdii carruurta ahaana wata balse markiiba waa uu dhintey masuuliyaddii u shaqaynta iyo dhaqaale soo xaraynta labada qoysna waxa ay dusha ka fuushay robert mogabe.
sannadkii 1949-kii waxa robert scholarship ka helay jaamacad ku taalla koonfur africa oo la yidhaahdo fortheir halkaasna waxa ay isku barteen oo uu xubin ka noqdey ururka African National Congress Youth League.
waxaana ay halkaas isku barteen yuhuud badan oo u laqimey oo baray fikradaha markasi ee hanti wadaaga ahaa halkaasina waxa ay ahayd halkii ay noloshiisa iyo afkaartiisiiba isku wada bedeshey waxaana uu jaamacadaas ka qaatay bachelor ah taariikhda iyo suugaanta englishka sanadkii 1951-kii.
sanadkii 1952-kii ayuu kusoo laabtay dalkiisa waxana uu bilaabay shaqo macalinimo sanadkii 1958-kii waxa uu aaday dhanka dalka ghana
halkaas oo iyadana uu kaga shaqaynayey iyadana macalinimo isla sanadkaasna waxa uu qaatey degree ah dhaqaalaha.
deegaankaas ghana waxa uu ku soo indho-indheeyey sida uu noqonayo dalku marka uu qaato madax banaanida ee uu gumeysiga ka boxo waxana uu ahaa dalkaas ghana kii ugu horreeyey ee ka qaata guumeysigii reer yurub xorriyaddiisa markaas uu ghana joogey ayuuna muujistey oo ku dhawaaqay in uu yahay shuuci aaminsan fikirkii hanti wadaaga ahaa ee markismka.
waxaana sidoo kale ay halkaas isku soo barteen xaaskiisii ugu horeysey sarah francesca waxaana ay is guursadeen 1960-kii waxaana ay ka dhimatey 1990-kii.
waxa uu mar labaad hadana guursadey 1996-kii gabadh la yidhaahdo grace mogabe.
sanadihii 1960-kii illaa 1963-kii waxa uu ka qayb qaatay kacdoono la oogay waxaana la xidhey sanadkii 1963-kii waxana la xukumey sanadkii 1964-kii iyadoo lagu xukumey 10 sanadood.
sanadkii 1974-kii markii la sii daayeyna wuu iskaga tagay deegaankiisii rhodizia waxana uu aadey dhanka musambique
halkaas oo uu madax u noqdey ciidankii dhaqdhaqaaqee xoreynta simbabwe ii ZANU ee uu maalgalin jirey shiinuhu oo uu isagu aasaasay si ay ula halgamaan gumaystihii ingriiska.
sanadkii 1979-kii ayuuna dalkiisa dib ugu soo laabtay iyada oo banaan baxyo diirran lagu soo dhaweeyey, doorasho dhacdeyna waxa uu noqdey
hogaamiyihii xukuumaddii ugu horeysey ee dalkiisu yeesho 4-march-1980-kii waxana uu noqdey raysal wasaaraha.
sanadkii 2002-dii ayey hoos u dhacdey shacbiyaddii xisbigiisa ZANU kadib markii dalka hoos u dhac dhaqaale ku yimi
dhaqaale burburkaas dalkiisa soo gaadheyna waxa uu ku eedeeyey dadyow hadhaa ahaa oo ka soo hadhay gumeystihii oo gacanta ku hayey ilo dhaqaale
oo ay ka mid ahaayeen beeruhu.
mogabe waxa uu aad u necbaa dadka khaniisiinta ah ee magaca HOMOSEXUALka loo sameeyey waxaana uu ku eedeyn jirey in ay yihiin dad xigeen ama dad u eeke
'sub human' ee aanay ahayn dad caadiya waxaana uu ku eedeyn jirey in ay ka liitaan eyda iyo doofaarada waxaana uu aad ugu ololeyn jirey afkaarta HOMOPHOBIA
oo ah afkaar aad u neceb oo ugu soo hor jeedda dadkaa aynu soo sheegnay.
sanadkii 1999-kii waxa gacanta gacanta lagu dhigay 23 jaran oo shirqool afganbiya u maleegayey mogabe dawladuna waxa ay isku dayday in ay qariso
balse saxaafadda ayaa ka war heshay oo baahisay millitary-ga ayaana qabtey wariyeyaashaas oo jidh diley oo xidhay.
qarnigan 21-aad na waxa loo aqoonsadey robert mid ka mid ah hogaamiyeyaasha ugu wareersan adduunka ee ugu layaabsan mudadii uu dalkaas hogaaminayeyna waxa uu ku maamulayey gacan bir ah in kasta oo aanay shacabkiisu dareensaneyn kali-talisnimadaa.
ugu danbeyntii 21-nov-2017 ayey ciidanka dalkaa simbabwe ku cadaadiyeen robert mogabe in uu iska wareejiyo masuuliayadda dalka oo uu xilka ka dago isaguna iskuma sii dhajin ee dagdag ayuu u wareejiyeyba.
markii danbe waxa uu dhintey robert 6-sep-2019-kii waxana uu ku dhintey dhakhtar ku yaalla singapore isaga oo 95-jir ah.
Tags:
HISTORY