QODOBADANI WAXAY BURBURIN KARAAN NOLOSHAADA.

 


1: Adiga oo farxadaada u arka sida ay dadka kale kuugu sheegaan:

Dhamaanteen waa aynu kala duwanahay waxaana jira waxyaabo qof walba si gaar ah u farxad galiya haddii aan maanta wax aniga i farxad galinaya kaaga waramo balse adiga aanay waxyaabahaa helitaankoodu wax farxad ah kugu soo kordhineyn isla markaana aan kaa dhaadhiciyo waxan aan anigu farxadda ku heleyo in aad adiguna ku heleyso  oo aan afkaartaadiiba bedelo adiguna aad waligaabaa sidaa aan kuu sheegey u aqoonsanaato farxadaada taasi waxay caqabad ku noqonaysaa goaan qaadashada naftaada, sidaa daraadeed adigu fahan fureyaasha farxadaada iyo fureyaasha adiga kuu gaarka ah.

2: Adigoo ka fekera mustaqbalkaaga kadib marka aad qalin-jabiso:

Tani waxay kaa hor istaagaysaa dhamaan waxyaabaha aad aad qaban lahayd inta aanad qalin jabin ka hor ee ku saabsan mustaqbalkaaga sababtoo ah mabaad goaamin sida uu mustaqbalkaagu u eekaanayo marka aad qalin jabiso kadib oo markii loo baahnaa in aad wax dhameyso ayaad wax bilaabeysaaba.

3: Adiga oo marar badan ku celceliya dariiqo aan kuu shaqeneyn:

Qalad ay tahay in aad ka digtoonaato waa adigoo marar badan ku celceliya waddo aan kuu shaqeyneyn is la markaana aad dhawr jeer ku khasaartey kaliyaata khibrada ka qaado oo bedel habkan una beddel hab kale oo aad u maleyneyso in uu shaqeynayo.

4: Adigoo gala dabaal deg dheer 

In aad naftaada ku mashquuliso guul aad bari hore gaadhey dabaaldageeda isla markaana aad waqti badan siiso dabaal deggaa waxay ku illowsiineysaa in aad hore usii socoto oo aad horumar kale sii sameyso sanado kadibna waxáad arki doontaa adiga oo gaabis ah oo dadka ka danbeeya.

5: Adigoon fahmin in waqtigu si xawli ah u socdo:

Qodobkani waxa uu si cad kuugu tilmaamayaa in aad ka fogaato caajiska iyo wahsiga oo aad noqoto qof hard-worker ah.

Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post