Ruwan substian atkinson waa alifaa jilaa iyo qoraa faneed ingiriis ah waxa uu dhashey 6-Jan-1955-kii waxana uu ku dhashey deegaanka durham ee ingiriiska waxana ay walaalihii ahaayeen saddex uu isagu afar ku yahay oo uu ugu yaryahay aabihiina beeraley ayuu ahaa oo waxa uu hooyadii guursadey 1945-kii magaca uu ku caan baxay ee soomaalideenani u taqaanaana waa mr bean marka laga yimaado aabihii in uu beeraley ahaa qoyskooda oo dhan ayaa iyaguna ahaa beeraley ahaa.
aabihiina waxa uu ahaa erric atkinson hooyadiina waxa ay ahayd ella-may waxbarashadiisii waxa uu ka baxay dugsiga chorsters durham ducsigaasna waxa ay wada baran jireen oo isku dugsi iyo isku fasal ahaayeen raysal wasaarihii ingiriiska intii u dhaxaysey 1997-kii illaa 2007-dii ee Tony Blier jaamacadiisiina Newcastle ayuu ka baxay waxaana uu bachelor kaqaatey engineer koronteed sanadkii 1975-kiina waxa uu ka sii ambaqaadey jaamacadda oxford isaga oo doonaya in uu gaadho master.
marka aynu eegno dhanka shaqadiisa waxa uu saaxadda hobalnimo iyo jilidda kusoo biirey 1979-kii oo uu qorey taxanihiisii not-nile o'clock news oo ka bixi jirey BBC-da isaguna waxa uu ku matalayey atooraha amma jilaaga.
sannadkii 1981-kii waxa uu noqdey atkinson ama mr bean jilaagii ugu da,da yaraa ee bandhig faneed ku qabta thietarada west-end.
waxa uu sidoo kale leeyahay bandhig faneedyo uu ka qayb qaatey oo ay ka mid yihiin the nerth, the zneeze iyo the timblue line intaa ka dib hadana waxa uu ka qeyb qaatey taxanihii la magac baxay blackader oo isagana u horseedey in lasii barto aakhirkiina 1990-kii waxa uu sameystey taxanihiisa mr bean oo ah shaqsiyad uu isagu alifey magacanina waa magaca illaa hadda ka soomaali ahaan aynu u naqaano waxa uu sidoo kale ka soo sheqeeyey BBC-da oo uu ku lahaa barnaamij xaraabo ah oo la odhan jirey ''the attenson people'' waxaana uu caan ku ahaa xaraabaynta iyo ka qoslinta dadka isaga oo aamusan badanka oo falal uun sameynaya 5-FEB-1990-kii ayuu mr bean guursadey xaaskiisa artist sunetra sastry waxaana ay dhaleen laba carruur ah oo kala ah lily sastry iyo isla atkinson waxana ay dagganaayeen london xaaskiisaasna waxa ay is barteen markii ay ku guda jireen jilista filmkiisa blackeder sanadkii 1986-kii waxa ay ahayd khabiiradda qurxinta jilaayada iyo filmkaas sanadkii 2014-kii ayey isku dheceen oo is qabteen 10-Nov-2015-kiina waabay is fureen oo kala tageen sababta ugu weyn ee ka danbeysey khilaafkoodaasina waa in uu isagu khiyaaneeyey oo ay dumar kale ku aragtey.
Attenson waxa uu xidhiidh hoosaad la lahaa gabadh jilaayad majaajilaysato ah oo la yidhaahdo louise-ford isagana waxa ay ka yareyd 29 sanadood iyada ayaana ilmihiisii saddexaad u dhashey 2017-kii inantiisa lielyna waxa ay xayeysiisaa dharka waana fanaanad attenson waxa uu aad u jeclaa baabuurta hantida ugu mudan ee badanaa uu ku faani jireyna waxa ay ahayd baabuurtiisa gawaadhidiisaa isaga oo qaab qosol leh u wadana waa aynu aragnay oo ku daawaney films-kiisa ka qoslinta uu dadka u madadaaleynayana gawaadhidiisu qayb ayey ka ahaayeen intii uu ku dhex jirey fanka jilidda ah waxa uu ka xareystey hanti laxaad leh hantida uu haysteyna waxa ay gaadheysaa 85 milion oo euro ama 130 milion oo dollar attenson waxa uu ka qeyb qaatey dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed waana dadka u ololeeya inaan xumaanta lays hortaagin oon la cabudhin ceebaha ay xooluhu ka xishoodaan eedadku ula bexeen hommosexual kana wuu u ololeeyaa in aan la hor joogsan ee heegooda loo sii daayo waana dadka isku tilmaama in ay cabudhinta iyo cuno qabateynta ka soo hor jeedaan oo neceb yihiin waxa uu ka tirsan yahay 50/ka qof ee adduunka ugu dad ka qoslinta badnaa sanadkii 2001-diina waxa uu dalxiis ku aadey dhanka kenya duuliyihii diyaaradda ayaana miyir doorsoon aan daba dheerayn yara galay balse ALLE ayaa waafajiyey oo isaga ayaa intaa duulimaadkiisii deberayey waxaana uu hawl-gab noqdey sanadkii 2012-kii.
arrimaha badanaa aanu ninkani bulshada la wadaagin sababeyna in uu badanaa ka dheeraado kulanada saxaafaddu waa in uu hag-hago leeyahay oo ereyada iyo magacyada ka bilaabma xarafka B ay ku adagyihiin.
Odhaahyada laga hayo atkinson waxaa ka mid ah:
- si aad u noqoto qof libin gaadha uma baahnid jidh dhisan iyo waji qurxoon, ee waxa aad u baahan tahay garaad kobcay oo karaan leh.
- Guud ahaanba waxa aan jeclaystaa in aan si daggan u noolaado dadkana aan ku taageero qodobkaas.
- ma jecli shaqada macneheeduna ma aha in aan caajis ahay ee waa in ay shaqadu wadato wer-wer iyo walbahaar badan.