SHAN XEER OO LAGU GAADHO GUUSHA.



Macnaha guushu waa in aad gaadho hadafkii aad muddo badan ubaahnayd in aad gaadho balse waxa ka horeeyaa gaadhista hadafyadaas ayaa ah in qodobo dhawr ah la eego balse maanta waxaan kuu hayaa shan qodob oo haddii aad si wanaagsan u fuliso run ahaantii aad gaadheyso guul:

1: 100% aamin in aad gaadhi karto hamigaaga

Thomas Edison oo ahaa ninkii laambadda hindisey ayaa la weydiiyey sidii uu u maareeyey in uu 999 jeer isugu dayey in uu hindiso laanbadda isagoo markasta guuldarreysanaya hadana aan rajo dhigeyn isaga oo qof kasta oo arkaaba ka maadsanaya waxaanu yidhi:''markasta oo uu qof igu yidhaahdo waad ku fashilantey sameynta laanbadda waxaan ugu jawaabi jirey kumaan fashilmin balse waxaan ogaadey 999 hab oo aaney laambadda lagu sameyn kareyn".

sidaa daraadeed thomas waxa uu aaminsanaa in uu 100% uu guuleysanayo waxaanu fahansanaa in ay ka xigaan waqti iyo isku dayo badani waanuu guuleystey, adiguna garowso in aad guuldareysan doonto kadibna aad guuleysan doonto.

2: Tirada isku daygaaga

marka uu ilmaha yari walax qabsado waa ay ka dhacdaa ka dibna waa uu soo qabtaa oo hadana way ka dhacdaa marar fara-badan marka ay sidaasi ku dhacdo caadi ayuu u qabsadaa walaxda xataa iyadoon walaxdu lahayn handle ama meel laqabto, tani waxay kuu muujinaysaa in ilmahaa yari isku dayo fara-badan ka dib uu bartey sida ugu saxsan ee walaxdaa loo qabto.

haddii aad isku daygaaga yareyso waxa yaraanaya waxa aad faaiideyso haddii aad isku daygaaga badiso waxa badanaya waxa aad faaideyso isku dayyo badan samee si aad wax badan u faaiddo xataa guuldarrana ha ahaatee guuldarradu waa guul ah in aad garato hab aanu waxani suurto gal ku ahayn oo aad hab kale isku daydo.

3: Is bedbedel samee

si aad is bedel usameyso laguma helo habeeno gudohood ee waxa loo maraa dariiqyo qodxo leh waxaanay ubaahantahay u huritaan iyo shaqo adag balse dhamaadka wad gaadhi doontaa GUUSHU WAXA AY QAADATA WAQTI WAXAANAY UBAAHANTAHAY SAMIR waxaana aad u yar in guushu habeeno gudohood ku dhacdo ama si fudud lagu helo taasina waa sababta ay tahayn in aad u diyaar garawdo socdaal dheer.

4: Noqo mid niyad ahaan iyo nafsi ahaanba u diyaarsan

anigu waxa aan hubaa in aan dhimanayo sidaa si leeg waxa aan u hubaa in dadku ku dhaleecayn doonaan, ku niyad jabin doonaan, waxay shaki galin doonaan waxaad ka aaminsantahay naftaada waanay ku diidi doonaan waxana laga yaabaa in aad marar badan guuldarreysato ka hor inta aanad guuleysan waxaanad waajihi doontaa caqabado badan haddii aad rabto in aad guul gaadho waa in aad noqotaa mid waxyaabahan aad qabaneyso si nafsiyan iyo niyad ahaanba ugu diyaarsan si aanay u burburin riyadaada iyo rajadaaduba.  

5: Baro sababta ka danbeysa guuldaradaada

inta ugu badan dadka aan guulaha gaadhin waxay dareemaan caawimaad la,aan taasna waxaa badanaa ugu wacan sababto ah ma garanayaan waxay sameeyaan si ay u guuleystaan oo ugaadhaan hadafyadooda kadib isku dayga koobaad amma guuldarradooda koobaadba way niyad jabaan taasina waxa ay sababeysaa in ay joojiyaan isku daygooda.

hadaba si aanay sidaasi kuugu dhicin waxa aad sameysaa oo aan kugula talinayaa in aad guuldarradaada kuugu horeysa isku daydo in aad ogaato waxa ka danbeeya ka dibna aad ka hortagto si aanay mar labaad kuugu soo noqon.



Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post