SHAN QODOB OO SABAB U AH IN AAD SHAQO LA´AAN AHAATO.

Waxa laga yaabaa in aadan ogeyn sababta aad baagamuundada ugu nooshahay hadana adiga oo aqoon badan leh, hadaba waxan kuu hayaa 5 qodob oo sabab u ah in aad shaqo la,aan ahaato ama ka mid ah waxyaabaha kugu keenay shaqo-la,aanta waxaana ay yihiin:

1: Meesha aad shaqada u doonanayso uma taqaanid meel adiga kuu qalanta in ad ka shaqeyso:

runtii qodobkani waxa uu soo hoos galayaa shayga looyaqaan isla-weynida haddii aad meeshii aad shaqada u doonatey aad niyadaada ku hayso in ay tahay meel yar oo iska silic ah oo aan wax sidaasaa laga faaideyn taasi waa fikrad qaldan oo aad naftaada aaminsiisey. sida nolosha caadiga ahi u leedahay dabaqado iyo levels kala hooseeya ayey hawshan aad galeysaana u leedahay dabaqyo ee u samir oo dabaqa uhooseeya ka bilow oo wada illaa aad ka gaadheyso dabaqa ugu sarreeya.

2:Xirfadahaaga ma kordhisid:

waxan ka wadaa qodobkan aqoontaada amma waxyaabaha aad taqaanno wali waa sidii aad kaga baxdey secondryga ama jaamacadda ee xirfadahaaga kordhi tusaale ahaan luqad ayaad raqaaney luqad kale ku dar oo fursadaha nolosha ka faaideyso kolba meesha aad isleedahay ka shaqee xirfadaha looga baahan yahay aad u kori oo baro.

3:Naftaada si fiican uma taqaanid:

waxyaabaha badanaa kuu fududeeya in aad shaqo weydo qodob kani wuxu ka mid yahay kuwa ugu waaweyn waa in aad ogaataa isla markaana maanka ku haysaa waxa ay naftaadu taqaano iyo waxyaabaha aaney aqoon sidoo kale maxaad ku fiicantahay, maxaanad ku fiicneyn is weydii mar walba ha gelin engineering adigoo doctor ku fiican tani waxay kaa caawineysaa in aad ogaato meelaha shaqooyinka aad u qalantaa ka banaan yihiin.

4:Cv-gaaga ma horumarisid:

in aad shirkadaha ula tagto cv ay ku qorantahay wixii aad taqaaney barigaad secondryga dhamaysay aanad wax horumarin ahna ku sameyn waa khalad ee si aad shaqo wanaagsan u hesho cv-gaaga mar walba horumari oo waxyaabo badan ku kordhi oo sanadkii hore kaad shirkad u geysey maantana haku shaqo tagin.

5:Uma diyaar garowdid kulanka 1aad ama interview-ga:

in aanad u diyaar garoobin interview-ga dhibka ay ledahay waxa ka mid ah in suaal ugu horeyntii lagu weydiiyey oo hadana marka ugu danbeysa lagu weydiiyo oo aad labada jeerba laba siyaabood oo kala duwan aad uga jawaabto sidaana laguugu maleeyo qof been sheegaya oo aan naftiisa ku kalsooneyn  sida aynu wada ognahay qofka marka shaqada la siinayo waxa laga qaadaa interview si aad interview-ga hadaba sidee ayaad ugu diyaar garoobeysa inter-viewga: waxad sameyneysaa marka aad shirkadda tageysid sii qaado book oo inta aad sugeysid dadka interviewga kaa qaadaya sii akhriso waayo waxaaba laga yaabaa in intaa lagugu qiimeeyo oo la yidhaahdo qof waliba inta uu akhriyo ayuu yaqaane shaqada siiya ninkan.

👉IN ENGLISH

Post a Comment

Faallo ka dhiibo.

Previous Post Next Post