Wuxu yidhi:
- In aad fool xumaataa dhibta ay leedahay waxaa ka mid ah haddii mid qurux badan oo ku ag fadhiya dhuuso ka baxsato, adiga ayaa laguu maleynayaa
- haddii aad guursato gabadh seexiib nagala ah face book dhammaantayo waxa aad noo tahay seeddi
- gabadha tidhaahda ubadkayga waxan ka jeclahay ninkayga been ayey sheegeysaa sababtoo ah ubadkeeda waxa ay kaga tagi kartaa reerka dariska balse ninkeeda kaga tagi kari mayso
- dalalka faqiirka ahi waa kuwa heesohooda qaranku ay ugu dhaadheer yihiin sababtoo ah waxay ku sharaxayaan dhibaatooyinka haysta oo dhan
- wiil african ah marka ay gabadhi damacdo in ay la sheekaysato waxay ogaanaysa in ay yihiin sida madaxweunayaasha africa oo kale oo mid waliba uu ka xunyahay kii hore
- waxyaabaha aan guurka ku nacay waxaa ka mid ah marka aad carruur dhasho ayaa adiga oo hurda saqda dhexe lagu kicinayaa oo lagu odhanayaa mas ayaa guriga soo galey ee kac oo dil adiga oo xataa jiirka ka baqa
- sidee ayeynu uga dhaadhicinaa jiilka soo socda in waxbarashada heer sare lagu gaadho iyada oo ay inala noolyihiin gaangiistarro taajiriin ah iyo aqoonyahano sabool ah
- ma jirto gabadh ka dooranaysa six-pack lix gaadhi (markan wuxu dacaayadeynayaa dhalinta gymka tagta)
- waligeed cunsuriyaddu dhamaan mayso inta ay baarbuurta cadcadi adeegsanayaan taayirada madmadow
- waan jeclahay in ay isu eekaadaan ninka suunkiisa iyo kabihiisu waxa sidaa tidhi gabadh aanay isu eekayn wajigeeda iyo qaybaha jidhkeeda ee kale
- haddii gabadhii aad wada sheekaysan jirteen ee aad kala hadheen mobileka kuugu soo shubto ku shubasho ha la yaabin waa hawgabnimadaada'e
- dhalinyarada danbe ma yaqaanaan sida lagu maamulo dhawr dumara oo kala duwan aabeyaasheen marka ay xidhiidh sameeyaan ubadkoodu wuxu isugu iman jirey uun aaskooda
- waligeed cunsuriyaddu dhamaan mayso inta aynu dharka cadcad hor maydhayno ee kuwa madmadow ugu danbeysiineyn
- waligeed cunsuriyaddu dhamaan mayso inta ay dadku dharka cad cad u xidhanayaan xafladaha iyo aroosyada dharka madowna geerida iyo tacsiyaha
- waligeed cunsuriyaddu dhamaan mayso inta dadka hore u bixin waaya qaansheegaha loo keeno lagu darayo list-ga madow, balse waxaas oo dhami idhibi maayaan inta aan dababdeyda madow ku masaxayo soft-ga iyo tuwaalada cadcad.
- eygeygu waa mid bilaa faaiido ah shalay aniga iyo isagaba ey kalaa na eryadey
- haddii aad aragto gabadh dhibaato haysato caawi waxaa hubaal ah in ay marka xiga ee ay dhib qabsato kusoo xasuusato'e
- waan iska daayey daawashada aflaamta africanku metelaan marka aan arkay gabadh ninkeeda cunto sun ugu daraysa inta aanay ugeyn kahorna dhadhamineysa.
- dumarku waxa ay jeclyihiin ragga shaqaysta, hadana inta ay shaqada ku maqanyihiin ayey ka daba baxaan oo ma jecla in laga fogaado
- haddii aad damacdo in aad arooska saaxiibkaa tagto ha tagin adiga oo ifaya sababto ah ma aha xiligii aad ifi lahayd ee nin kale ayaa ifaya
- dumarka quruxda badani waa sida khudaar aan bislaan adigu waxa aad sugaysa inta ay bislaanayso halka mid kale inta uu milix ku darsado cunayo iyada oo qaydhin
- waalidka africanku waakuwa kaliya ee ku odhanaya "qaad weelka aan cuntada ku cunay oo gee kijinka" hadana ku daba soconaya si ay uga soo faraxashaan kijinka
- africanku waa umadda ay gabdhihii dhaadheeraa doonayaan wiilal dhaadheer, gabdhihii gaagaabnaana doonayaan wiilal dhaadheer, hadaba waayehee waa su'aale yaa u hadhey wiilashii gaagaabnaa?
- hablaha gaagaaban ee iyaga oo dhexda is haya sawirada galaya waxa aan leeyahay "joojiya waxaan soo xasuustaa bakeeriga shaaha e dhegta lehe".